soomaali
Surah Al-Waqi'ah ( The Event ) - Aya count 96
إِذَا وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ
( 1 ) Markay Qiyaamadu dhacdo.
لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ
( 2 ) Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ
( 3 ) Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
إِذَا رُجَّتِ الْأَرْضُ رَجًّا
( 4 ) Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
وَبُسَّتِ الْجِبَالُ بَسًّا
( 5 ) Buurahana la riqdo.
فَكَانَتْ هَبَاءً مُّنبَثًّا
( 6 ) Oy noqoto boodh Firdhisan.
وَكُنتُمْ أَزْوَاجًا ثَلَاثَةً
( 7 ) Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
فَأَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ مَا أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ
( 8 ) Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
وَأَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ مَا أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ
( 9 ) Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
وَالسَّابِقُونَ السَّابِقُونَ
( 10 ) Iyo kuwii aad u hormaray.
أُولَٰئِكَ الْمُقَرَّبُونَ
( 11 ) Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ
( 12 ) Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
ثُلَّةٌ مِّنَ الْأَوَّلِينَ
( 13 ) Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
وَقَلِيلٌ مِّنَ الْآخِرِينَ
( 14 ) Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ
( 15 ) Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
مُّتَّكِئِينَ عَلَيْهَا مُتَقَابِلِينَ
( 16 ) Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَانٌ مُّخَلَّدُونَ
( 17 ) Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ
( 18 ) Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ
( 19 ) Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
وَفَاكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
( 20 ) Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
( 21 ) Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
وَحُورٌ عِينٌ
( 22 ) Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
كَأَمْثَالِ اللُّؤْلُؤِ الْمَكْنُونِ
( 23 ) Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
( 24 ) Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا
( 25 ) Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
إِلَّا قِيلًا سَلَامًا سَلَامًا
( 26 ) Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
وَأَصْحَابُ الْيَمِينِ مَا أَصْحَابُ الْيَمِينِ
( 27 ) Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
فِي سِدْرٍ مَّخْضُودٍ
( 28 ) Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ
( 29 ) Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ
( 30 ) Iyo Hoos joogta ah.
وَمَاءٍ مَّسْكُوبٍ
( 31 ) Iyo Biyo socda (goor walba).
وَفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ
( 32 ) Iyo Faakiha badan.
لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ
( 33 ) Oon la goynaynin lana reebaynin.
وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ
( 34 ) Iyo Gogol la koryeelay.
إِنَّا أَنشَأْنَاهُنَّ إِنشَاءً
( 35 ) Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).
فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا
( 36 ) Kana dhigi kuwa aan la taaban.
عُرُبًا أَتْرَابًا
( 37 ) Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
لِّأَصْحَابِ الْيَمِينِ
( 38 ) Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
ثُلَّةٌ مِّنَ الْأَوَّلِينَ
( 39 ) Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
وَثُلَّةٌ مِّنَ الْآخِرِينَ
( 40 ) Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
وَأَصْحَابُ الشِّمَالِ مَا أَصْحَابُ الشِّمَالِ
( 41 ) Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
فِي سَمُومٍ وَحَمِيمٍ
( 42 ) Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ
( 43 ) Iyo hoos madow oo wax guba.
لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ
( 44 ) Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ
( 45 ) Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
وَكَانُوا يُصِرُّونَ عَلَى الْحِنثِ الْعَظِيمِ
( 46 ) Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.
وَكَانُوا يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
( 47 ) Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ
( 48 ) Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
قُلْ إِنَّ الْأَوَّلِينَ وَالْآخِرِينَ
( 49 ) Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَاتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
( 50 ) Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا الضَّالُّونَ الْمُكَذِّبُونَ
( 51 ) Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
لَآكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ
( 52 ) Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
فَمَالِئُونَ مِنْهَا الْبُطُونَ
( 53 ) Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
فَشَارِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ الْحَمِيمِ
( 54 ) Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
فَشَارِبُونَ شُرْبَ الْهِيمِ
( 55 ) Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
هَٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ الدِّينِ
( 56 ) Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
نَحْنُ خَلَقْنَاكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ
( 57 ) (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
أَفَرَأَيْتُم مَّا تُمْنُونَ
( 58 ) Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
أَأَنتُمْ تَخْلُقُونَهُ أَمْ نَحْنُ الْخَالِقُونَ
( 59 ) Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ الْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
( 60 ) Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
عَلَىٰ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَالَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِي مَا لَا تَعْلَمُونَ
( 61 ) Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ النَّشْأَةَ الْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ
( 62 ) Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
أَفَرَأَيْتُم مَّا تَحْرُثُونَ
( 63 ) Ka warrama waxaad beereysaan.
أَأَنتُمْ تَزْرَعُونَهُ أَمْ نَحْنُ الزَّارِعُونَ
( 64 ) Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
لَوْ نَشَاءُ لَجَعَلْنَاهُ حُطَامًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ
( 65 ) Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
إِنَّا لَمُغْرَمُونَ
( 66 ) (Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
( 67 ) Mase waa nala hoojiyay.
أَفَرَأَيْتُمُ الْمَاءَ الَّذِي تَشْرَبُونَ
( 68 ) Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
أَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ الْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ الْمُنزِلُونَ
( 69 ) Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
لَوْ نَشَاءُ جَعَلْنَاهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ
( 70 ) Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
أَفَرَأَيْتُمُ النَّارَ الَّتِي تُورُونَ
( 71 ) Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
أَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَا أَمْ نَحْنُ الْمُنشِئُونَ
( 72 ) Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
نَحْنُ جَعَلْنَاهَا تَذْكِرَةً وَمَتَاعًا لِّلْمُقْوِينَ
( 73 ) Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ
( 74 ) Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
فَلَا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ
( 75 ) (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
وَإِنَّهُ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ
( 76 ) Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ
( 77 ) Quraanku waa shay sharaf leh.
فِي كِتَابٍ مَّكْنُونٍ
( 78 ) Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
لَّا يَمَسُّهُ إِلَّا الْمُطَهَّرُونَ
( 79 ) Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
( 80 ) Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
أَفَبِهَٰذَا الْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ
( 81 ) Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ
( 82 ) Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
فَلَوْلَا إِذَا بَلَغَتِ الْحُلْقُومَ
( 83 ) Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ
( 84 ) Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ
( 85 ) Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
فَلَوْلَا إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ
( 86 ) Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
تَرْجِعُونَهَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
( 87 ) Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
فَأَمَّا إِن كَانَ مِنَ الْمُقَرَّبِينَ
( 88 ) Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ
( 89 ) Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
وَأَمَّا إِن كَانَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ
( 90 ) Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
فَسَلَامٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ
( 91 ) Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
وَأَمَّا إِن كَانَ مِنَ الْمُكَذِّبِينَ الضَّالِّينَ
( 92 ) Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ
( 93 ) Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ
( 94 ) Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ الْيَقِينِ
( 95 ) Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ
( 96 ) Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.