soomaali
Surah Al-Layl ( The Night ) - Aya count 21
وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ
( 1 ) Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ
( 2 ) Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
وَمَا خَلَقَ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ
( 3 ) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ
( 4 ) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَاتَّقَىٰ
( 5 ) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَىٰ
( 6 ) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَىٰ
( 7 ) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَىٰ
( 8 ) Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَىٰ
( 9 ) Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَىٰ
( 10 ) Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
وَمَا يُغْنِي عَنْهُ مَالُهُ إِذَا تَرَدَّىٰ
( 11 ) Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ
( 12 ) Annagaa wax hanuuninna.
وَإِنَّ لَنَا لَلْآخِرَةَ وَالْأُولَىٰ
( 13 ) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ
( 14 ) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
لَا يَصْلَاهَا إِلَّا الْأَشْقَى
( 15 ) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
الَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
( 16 ) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
وَسَيُجَنَّبُهَا الْأَتْقَى
( 17 ) Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
الَّذِي يُؤْتِي مَالَهُ يَتَزَكَّىٰ
( 18 ) Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰ
( 19 ) Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ رَبِّهِ الْأَعْلَىٰ
( 20 ) Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ
( 21 ) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.