soomaali
Surah Al-Mursalat ( Those sent forth ) - Aya count 50
وَالْمُرْسَلَاتِ عُرْفًا
( 1 ) Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.
فَالْعَاصِفَاتِ عَصْفًا
( 2 ) iyo Dabaysha sida daran u dhabata.
وَالنَّاشِرَاتِ نَشْرًا
( 3 ) Iyo Dabaysha roobka kicisa.
فَالْفَارِقَاتِ فَرْقًا
( 4 ) Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.
فَالْمُلْقِيَاتِ ذِكْرًا
( 5 ) iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.
عُذْرًا أَوْ نُذْرًا
( 6 ) Si Dadka loo waaniyo looguna digo.
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَاقِعٌ
( 7 ) Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.
فَإِذَا النُّجُومُ طُمِسَتْ
( 8 ) Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.
وَإِذَا السَّمَاءُ فُرِجَتْ
( 9 ) Oo samadu Dildillaacdo.
وَإِذَا الْجِبَالُ نُسِفَتْ
( 10 ) Oo Buuraha la Rujiyo.
وَإِذَا الرُّسُلُ أُقِّتَتْ
( 11 ) Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).
لِأَيِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ
( 12 ) Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.
لِيَوْمِ الْفَصْلِ
( 13 ) In dadka la kala Bixiyo Dartiis.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الْفَصْلِ
( 14 ) Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 15 ) Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
أَلَمْ نُهْلِكِ الْأَوَّلِينَ
( 16 ) Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.
ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ الْآخِرِينَ
( 17 ) Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.
كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِالْمُجْرِمِينَ
( 18 ) Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 19 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّاءٍ مَّهِينٍ
( 20 ) Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.
فَجَعَلْنَاهُ فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ
( 21 ) Markaasna yeellay meel ilaashan.
إِلَىٰ قَدَرٍ مَّعْلُومٍ
( 22 ) Tan iyo Muddo la yaqaanno.
فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ الْقَادِرُونَ
( 23 ) Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 24 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
أَلَمْ نَجْعَلِ الْأَرْضَ كِفَاتًا
( 25 ) Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.
أَحْيَاءً وَأَمْوَاتًا
( 26 ) Nolol iyo Geeriba.
وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ شَامِخَاتٍ وَأَسْقَيْنَاكُم مَّاءً فُرَاتًا
( 27 ) Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 28 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
انطَلِقُوا إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ
( 29 ) Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.
انطَلِقُوا إِلَىٰ ظِلٍّ ذِي ثَلَاثِ شُعَبٍ
( 30 ) Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.
لَّا ظَلِيلٍ وَلَا يُغْنِي مِنَ اللَّهَبِ
( 31 ) Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.
إِنَّهَا تَرْمِي بِشَرَرٍ كَالْقَصْرِ
( 32 ) Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.
كَأَنَّهُ جِمَالَتٌ صُفْرٌ
( 33 ) Ama aad Mooddo geel madaw ah.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 34 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
هَٰذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ
( 35 ) Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.
وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ
( 36 ) Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 37 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
هَٰذَا يَوْمُ الْفَصْلِ ۖ جَمَعْنَاكُمْ وَالْأَوَّلِينَ
( 38 ) Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.
فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌ فَكِيدُونِ
( 39 ) Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 40 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي ظِلَالٍ وَعُيُونٍ
( 41 ) Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;
وَفَوَاكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ
( 42 ) (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.
كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
( 43 ) Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
( 44 ) Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 45 ) Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.
كُلُوا وَتَمَتَّعُوا قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ
( 46 ) (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 47 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ارْكَعُوا لَا يَرْكَعُونَ
( 48 ) Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 49 ) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُ يُؤْمِنُونَ
( 50 ) Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.