soomaali
Surah An-Nazi'at ( Those who Pull Out ) - Aya count 46
وَالنَّازِعَاتِ غَرْقًا
( 1 ) Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
وَالنَّاشِطَاتِ نَشْطًا
( 2 ) Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).
وَالسَّابِحَاتِ سَبْحًا
( 3 ) Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
فَالسَّابِقَاتِ سَبْقًا
( 4 ) Iyo tan u orotanta wanaagga.
فَالْمُدَبِّرَاتِ أَمْرًا
( 5 ) Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
يَوْمَ تَرْجُفُ الرَّاجِفَةُ
( 6 ) Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
تَتْبَعُهَا الرَّادِفَةُ
( 7 ) Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
( 8 ) Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
أَبْصَارُهَا خَاشِعَةٌ
( 9 ) Araggeeduna wuu dullaysnaan.
يَقُولُونَ أَإِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِي الْحَافِرَةِ
( 10 ) Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
أَإِذَا كُنَّا عِظَامًا نَّخِرَةً
( 11 ) Markaan noqonno Lafo duugoobay.
قَالُوا تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
( 12 ) Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ
( 13 ) Waa uun Hal Qaylo kaliya.
فَإِذَا هُم بِالسَّاهِرَةِ
( 14 ) Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ مُوسَىٰ
( 15 ) Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
إِذْ نَادَاهُ رَبُّهُ بِالْوَادِ الْمُقَدَّسِ طُوًى
( 16 ) Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
اذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ
( 17 ) Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰ أَن تَزَكَّىٰ
( 18 ) Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
( 19 ) Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
فَأَرَاهُ الْآيَةَ الْكُبْرَىٰ
( 20 ) Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
( 21 ) Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
( 22 ) Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
( 23 ) Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
فَقَالَ أَنَا رَبُّكُمُ الْأَعْلَىٰ
( 24 ) Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
فَأَخَذَهُ اللَّهُ نَكَالَ الْآخِرَةِ وَالْأُولَىٰ
( 25 ) Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ
( 26 ) Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
أَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ السَّمَاءُ ۚ بَنَاهَا
( 27 ) Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّاهَا
( 28 ) Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَاهَا
( 29 ) Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
وَالْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَاهَا
( 30 ) Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
أَخْرَجَ مِنْهَا مَاءَهَا وَمَرْعَاهَا
( 31 ) Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا
( 32 ) Buurahana sugay.
مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ
( 33 ) Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
فَإِذَا جَاءَتِ الطَّامَّةُ الْكُبْرَىٰ
( 34 ) Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ مَا سَعَىٰ
( 35 ) Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
( 36 ) Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
( 37 ) Ruuxiise xadgudba.
وَآثَرَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا
( 38 ) Nolosha Adduunyana doorta.
فَإِنَّ الْجَحِيمَ هِيَ الْمَأْوَىٰ
( 39 ) Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ
( 40 ) Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
فَإِنَّ الْجَنَّةَ هِيَ الْمَأْوَىٰ
( 41 ) Wuxuu u dheelman Janno.
يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا
( 42 ) Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَاهَا
( 43 ) Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَاهَا
( 44 ) Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
إِنَّمَا أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَاهَا
( 45 ) Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَاهَا
( 46 ) Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).