soomaali
Surah Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Aya count 52
الْحَاقَّةُ
( 1 ) Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
مَا الْحَاقَّةُ
( 2 ) Xaaqo maxay tahay.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحَاقَّةُ
( 3 ) inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌ بِالْقَارِعَةِ
( 4 ) Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا بِالطَّاغِيَةِ
( 5 ) Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ
( 6 ) Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَانِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى الْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ
( 7 ) oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّن بَاقِيَةٍ
( 8 ) wax ka hadhay miyaad aragtaa.
وَجَاءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُ وَالْمُؤْتَفِكَاتُ بِالْخَاطِئَةِ
( 9 ) Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
فَعَصَوْا رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً
( 10 ) Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
إِنَّا لَمَّا طَغَى الْمَاءُ حَمَلْنَاكُمْ فِي الْجَارِيَةِ
( 11 ) Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَا أُذُنٌ وَاعِيَةٌ
( 12 ) si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ نَفْخَةٌ وَاحِدَةٌ
( 13 ) Marka Suurka la afuufo hal mar.
وَحُمِلَتِ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَاحِدَةً
( 14 ) Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ
( 15 ) Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
وَانشَقَّتِ السَّمَاءُ فَهِيَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ
( 16 ) Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
وَالْمَلَكُ عَلَىٰ أَرْجَائِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ
( 17 ) Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ
( 18 ) Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ
( 19 ) Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْ
( 20 ) Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ
( 21 ) wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
( 22 ) Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ
( 23 ) Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ
( 24 ) Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ
( 25 ) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.
وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ
( 26 ) Xisaabtaydana maanan ogaanin.
يَا لَيْتَهَا كَانَتِ الْقَاضِيَةَ
( 27 ) Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.
مَا أَغْنَىٰ عَنِّي مَالِيَهْ ۜ
( 28 ) Xoolahaygi wax iima tarin.
هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَهْ
( 29 ) Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ
( 30 ) Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
ثُمَّ الْجَحِيمَ صَلُّوهُ
( 31 ) Naarta Jahannamada geliya.
ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ
( 32 ) Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
إِنَّهُ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ الْعَظِيمِ
( 33 ) maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ
( 34 ) aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
فَلَيْسَ لَهُ الْيَوْمَ هَاهُنَا حَمِيمٌ
( 35 ) Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ
( 36 ) Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
لَّا يَأْكُلُهُ إِلَّا الْخَاطِئُونَ
( 37 ) Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
فَلَا أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ
( 38 ) Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
وَمَا لَا تُبْصِرُونَ
( 39 ) iyo waxaydaan arkayninba.
إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ
( 40 ) ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ
( 41 ) Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
( 42 ) Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
( 43 ) (Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ الْأَقَاوِيلِ
( 44 ) Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِالْيَمِينِ
( 45 ) Waxaanu ku qaban gacan adag.
ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ الْوَتِينَ
( 46 ) Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَاجِزِينَ
( 47 ) Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
وَإِنَّهُ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ
( 48 ) Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ
( 49 ) Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).
وَإِنَّهُ لَحَسْرَةٌ عَلَى الْكَافِرِينَ
( 50 ) Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
وَإِنَّهُ لَحَقُّ الْيَقِينِ
( 51 ) Qur'aanka waa run dhab ah.
فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ
( 52 ) Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.