soomaali
Surah An-Naba' ( The Great News ) - Aya count 40
عَمَّ يَتَسَاءَلُونَ
( 1 ) Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
عَنِ النَّبَإِ الْعَظِيمِ
( 2 ) Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
الَّذِي هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
( 3 ) Ay isku diiddanaayeen.
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
( 4 ) Saas ma aha ee way ogaan donaan.
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
( 5 ) Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
أَلَمْ نَجْعَلِ الْأَرْضَ مِهَادًا
( 6 ) Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
وَالْجِبَالَ أَوْتَادًا
( 7 ) Buurahana Rukummo (ka yeelin).
وَخَلَقْنَاكُمْ أَزْوَاجًا
( 8 ) Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
( 9 ) Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا اللَّيْلَ لِبَاسًا
( 10 ) Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
وَجَعَلْنَا النَّهَارَ مَعَاشًا
( 11 ) Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا
( 12 ) Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا
( 13 ) Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
وَأَنزَلْنَا مِنَ الْمُعْصِرَاتِ مَاءً ثَجَّاجًا
( 14 ) Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
لِّنُخْرِجَ بِهِ حَبًّا وَنَبَاتًا
( 15 ) Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
وَجَنَّاتٍ أَلْفَافًا
( 16 ) Iyo Beero kulansan (badan).
إِنَّ يَوْمَ الْفَصْلِ كَانَ مِيقَاتًا
( 17 ) Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.
يَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا
( 18 ) Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
وَفُتِحَتِ السَّمَاءُ فَكَانَتْ أَبْوَابًا
( 19 ) Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
وَسُيِّرَتِ الْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
( 20 ) Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا
( 21 ) Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.
لِّلطَّاغِينَ مَآبًا
( 22 ) (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
لَّابِثِينَ فِيهَا أَحْقَابًا
( 23 ) Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا
( 24 ) Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا
( 25 ) Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
جَزَاءً وِفَاقًا
( 26 ) Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
إِنَّهُمْ كَانُوا لَا يَرْجُونَ حِسَابًا
( 27 ) Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا كِذَّابًا
( 28 ) Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
وَكُلَّ شَيْءٍ أَحْصَيْنَاهُ كِتَابًا
( 29 ) Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
فَذُوقُوا فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا
( 30 ) Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا
( 31 ) Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
حَدَائِقَ وَأَعْنَابًا
( 32 ) Beero iyo Cinabyana way heli.
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا
( 33 ) Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.
وَكَأْسًا دِهَاقًا
( 34 ) Waxayna heli Cabbid wanaagsan.
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّابًا
( 35 ) Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.
جَزَاءً مِّن رَّبِّكَ عَطَاءً حِسَابًا
( 36 ) Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
رَّبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا
( 37 ) Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ الرُّوحُ وَالْمَلَائِكَةُ صَفًّا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ الرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًا
( 38 ) Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الْحَقُّ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ مَآبًا
( 39 ) Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
إِنَّا أَنذَرْنَاكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ الْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ الْكَافِرُ يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا
( 40 ) Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.