soomaali
Surah Al-Ma'arij (The Ways of Ascent ) - Aya count 44
سَأَلَ سَائِلٌ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
( 1 ) Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
لِّلْكَافِرِينَ لَيْسَ لَهُ دَافِعٌ
( 2 ) Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
مِّنَ اللَّهِ ذِي الْمَعَارِجِ
( 3 ) Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ
( 4 ) Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
فَاصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا
( 5 ) Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُ بَعِيدًا
( 6 ) Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
وَنَرَاهُ قَرِيبًا
( 7 ) Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
يَوْمَ تَكُونُ السَّمَاءُ كَالْمُهْلِ
( 8 ) Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
وَتَكُونُ الْجِبَالُ كَالْعِهْنِ
( 9 ) Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
وَلَا يَسْأَلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا
( 10 ) Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ الْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِي مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍ بِبَنِيهِ
( 11 ) Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
وَصَاحِبَتِهِ وَأَخِيهِ
( 12 ) Haweenaydiisa, Walaalkiis.
وَفَصِيلَتِهِ الَّتِي تُؤْوِيهِ
( 13 ) iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
وَمَن فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ
( 14 ) iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
كَلَّا ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
( 15 ) Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ
( 16 ) Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
تَدْعُو مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ
( 17 ) Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰ
( 18 ) Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
إِنَّ الْإِنسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا
( 19 ) Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا
( 20 ) Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا
( 21 ) Hadduu khayr helana wuu reebaa.
إِلَّا الْمُصَلِّينَ
( 22 ) Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
الَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ
( 23 ) Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.
وَالَّذِينَ فِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ
( 24 ) Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ
( 25 ) Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
وَالَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ
( 26 ) Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
وَالَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ
( 27 ) Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ
( 28 ) Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ
( 29 ) Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
( 30 ) 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ
( 31 ) Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ
( 32 ) Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
وَالَّذِينَ هُم بِشَهَادَاتِهِمْ قَائِمُونَ
( 33 ) Kuwa maraggooda si fiican u furay.
وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
( 34 ) Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
أُولَٰئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُّكْرَمُونَ
( 35 ) Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
فَمَالِ الَّذِينَ كَفَرُوا قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ
( 36 ) Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ عِزِينَ
( 37 ) Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
أَيَطْمَعُ كُلُّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ
( 38 ) Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
كَلَّا ۖ إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ
( 39 ) Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
فَلَا أُقْسِمُ بِرَبِّ الْمَشَارِقِ وَالْمَغَارِبِ إِنَّا لَقَادِرُونَ
( 40 ) Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
عَلَىٰ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
( 41 ) Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ
( 42 ) Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ
( 43 ) Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الَّذِي كَانُوا يُوعَدُونَ
( 44 ) Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).