soomaali
Surah Al-Ghashiya ( The Overwhelming ) - Aya count 26
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ
( 1 ) Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَاشِعَةٌ
( 2 ) Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ
( 3 ) Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً
( 4 ) Waxayna gali Naar kulul.
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ آنِيَةٍ
( 5 ) Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ
( 6 ) Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِي مِن جُوعٍ
( 7 ) Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ
( 8 ) Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ
( 9 ) Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
( 10 ) Janno sarana way gali.
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَاغِيَةً
( 11 ) Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ
( 12 ) Waxaana ah dhexdeed il socota.
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ
( 13 ) iyo Sariiro la koryeelay.
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ
( 14 ) Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ
( 15 ) Iyo Barkimooyin la safay.
وَزَرَابِيُّ مَبْثُوثَةٌ
( 16 ) Iyo gogol la fidiyay.
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ
( 17 ) Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
وَإِلَى السَّمَاءِ كَيْفَ رُفِعَتْ
( 18 ) Iyo sida Samada loo koryeelay.
وَإِلَى الْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ
( 19 ) Iyo sida Ruuraha loo taagay,
وَإِلَى الْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ
( 20 ) Iyo sida dhulka loo fidiyay.
فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنتَ مُذَكِّرٌ
( 21 ) Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ
( 22 ) Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
( 23 ) Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
فَيُعَذِّبُهُ اللَّهُ الْعَذَابَ الْأَكْبَرَ
( 24 ) Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
إِنَّ إِلَيْنَا إِيَابَهُمْ
( 25 ) Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم
( 26 ) Annagaana xisaabin.