soomaali
Surah Ash-Shams ( The Sun ) - Aya count 15
وَالشَّمْسِ وَضُحَاهَا
( 1 ) Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.
وَالْقَمَرِ إِذَا تَلَاهَا
( 2 ) Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.
وَالنَّهَارِ إِذَا جَلَّاهَا
( 3 ) Iyo Maalintu markay ifiso.
وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَاهَا
( 4 ) Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).
وَالسَّمَاءِ وَمَا بَنَاهَا
( 5 ) Iyo Samada iyo say u dhisantahay.
وَالْأَرْضِ وَمَا طَحَاهَا
( 6 ) Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.
وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّاهَا
( 7 ) Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.
فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَاهَا
( 8 ) Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.
قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّاهَا
( 9 ) Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.
وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّاهَا
( 10 ) Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَاهَا
( 11 ) Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.
إِذِ انبَعَثَ أَشْقَاهَا
( 12 ) Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).
فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ اللَّهِ نَاقَةَ اللَّهِ وَسُقْيَاهَا
( 13 ) Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنبِهِمْ فَسَوَّاهَا
( 14 ) Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.
وَلَا يَخَافُ عُقْبَاهَا
( 15 ) Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)