soomaali
Surah Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya count 22
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ
( 1 ) Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
وَالْيَوْمِ الْمَوْعُودِ
( 2 ) Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ
( 3 ) Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ
( 4 ) Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ
( 5 ) Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ
( 6 ) Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ
( 7 ) iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَن يُؤْمِنُوا بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ
( 8 ) Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ
( 9 ) Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ
( 10 ) Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ
( 11 ) Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
( 12 ) Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
إِنَّهُ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ
( 13 ) Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
وَهُوَ الْغَفُورُ الْوَدُودُ
( 14 ) Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ
( 15 ) Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ
( 16 ) Wuuna falaa wuxuu doono.
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْجُنُودِ
( 17 ) Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ
( 18 ) Fircoon iyo Thamuud.
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي تَكْذِيبٍ
( 19 ) Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
وَاللَّهُ مِن وَرَائِهِم مُّحِيطٌ
( 20 ) Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ
( 21 ) Waase Quraan sharaf leh.
فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ
( 22 ) Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).